Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Cabdi Sheekeeye oo Lagu Dilay Degaanka Ceelasha Biyaha

Wararkii ugu Danbeeyey Cabdi Sheekeeye oo Lagu Dilay Degaanka Ceelasha Biyaha

0

Kooxo bastoolado hubeysan ayaa caawa ganacsade caan ah ku dilay degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

ILAAHAY ha u naxariistee marxuum Cabdi Sheekeeye ayaa isla goobta lagu toogtay ku dhintay ka dib markii ay rasaastu ka haleeshay qeybaha sare ee jirkiisa.

Marxuum Cabdi Sheekeeye ayaa la sheegay inuu ganacsade caan ah iyo dalaal kala iibiya guryaha, lamana oga illaa hadda sababta ka dambeysa dilkiisa.

Ciidamada Ammaanka DF oo daqiiqado ka dib gaaray goobta marxuumka lagu dilay ayaa sameeyey baaritaano aan la ogeyn natiijada ka soo baxday, iyadoo ay goor horeba baxsadeen raggii dilka geystay.

 

 

Ad
Previous articleMadaxweynaha Galmudug oo ka hadlay Doorashada Gudoomiyaha Cusub ee Cabud-waaq iyo ku Xigeenkiisa
Next articleDeni Oo Is-Hortaag Ku Sameeyay Safar Ay Puntland Ku Tagi Leheyd Wasiir Khadiija Al-Makhsuumi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here