Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Dagaalkii Cuslaa ee Degaanka Qaayib Al-Shabaab ku Qaadeen

Wararkii ugu Danbeeyey Dagaalkii Cuslaa ee Degaanka Qaayib Al-Shabaab ku Qaadeen

0

Dagaalo culus ayaa saaka mar kale waxay ka dhaceen degaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud, halkaasoo ay mudooyinkan gacanta ku hayeen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka.

Sida wararku sheegayaan dagaalka saaka ka qarxay degaanka Qaayib ayaa bilowday markii xoogag taabacsan Al-shabaab ay halkaas ku qaadeen weerar culus oo ku bilowday gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyey.

Waxaa la soo sheegayaa in dagaalka saaka uu geystay khasaare balaaran oo dhimasho iyo dhaawacba leh, waxaana xaalada degaankaas ay tahay mid cakiran, iyadoo isgaarsiintu ay tahay mid ciriiri ah.

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay weerarkan ayaa sheegtay in Al shabaab si wayn loogu jabiyay dagaalka saaka ka dhacay degaanka Qaayib.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta C/raxman Yuusuf Al-Cadaala ayaa sheegtay in la fashiliyay saddex Qarax oo Alshabaab ay doonayeen inay ku gaystaan waxyeelo, isagoo xusay inay Qaayib si buuxda gacanta ugu hayaan Ciidamada huwanta ah.

Al-shabaab ayaa warar ay ku baahiyeen baraha bulshada waxay ku sheegteen iney qabsadeen degaanka Qaayib ayna laayeen inta badan ciidamadii halkaad ku sugnaa, iyagoo xusay iney qaateen gaadiid dagaal iyo saanad milateri oo ay dagaalka kaga furteen ciidamada huwanta.

Ma jiraan warar madax banaan oo ka waramaya sida ay wax dhaceen, hase ahaatee waa markii afraad ee Al-shabaab ay weerar noocan ah ku qaadaan degaanka Qaayib oo ka mid ah degaanada hoos taga degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleFaahfaahin :Dagaal Qaraar oo Alshabaab Saakay Markale Kusoo Qaadeen Deegaanka Qaayib
Next articleDowlada Soomaaliya oo Warsaxaafadeed kasoo Saartay Duqayn loogaystay Alshabaab Sawirana Soo Bandhigtay(Sawiro)