Home Wararka Maanta Jubaland Oo Dil Toogasho Ku Fulisay Askar Hore Dil U Geysatay.

Jubaland Oo Dil Toogasho Ku Fulisay Askar Hore Dil U Geysatay.

0

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Jubbaland ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay labo dambiile oo hore si ula kac u gaystay dil.

Gacan ku dhiigle Yuusuf Cabdille Ismaaciil oo hore dil ugu gaystay marxuum Cabdicasiis Axmed Iimaan iyo gacan ku dhiigle Cabdi Xasan Isaaq oo oo hore si bareer ah u dilay Axmed Xuseen Cismaan ayey maxkamaddu maanta goob joog u ahayd fulinta xukunkii dilka ahaa oo looga qisaasayay dilkii ay hore u gaysteen.

Gacan ku dhiiglayaashan sida bareerka ah u dilay muwaadiniinta ayaa ahaa dabley ka kala tirsanaa ciidamada qalabka sida ee Jubbaland iyo ciidamada xoogga Dalka.

Xeer ilaaliya maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Jubbaland Gaashaanle dhexe Mowliid Axmed Yaasiin oo toogashada kadib warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in dilka labadan qof uu iyagana daawo u yahay umaddana ay ku kala nabad galeyso, waxaa uuna sidoo kale carrabka ku adkeeyay in qof walba oo dil bareer ah gaysto sida ay diinta islaamka iyo xeerarka dalka u yaalan qabaan in lagu oofin doono qisaasta jariimada u gaystay si buu yiri ay umaddu u kala nabad gasho dilka sharci darrada ahna uu ooga yaraado.

Madaxweynaha Galmudug oo booqasho ku tagay xarunta Hay’adda SoDMA

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta booqasho ku tegay xarunta dhexe ee Hay’adda SoDMA, waxaana xarunta ku soo dhaweeyay guddoomiyaha SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle. Madaxweynaha Galmudug

Caalamka:- Dowlada Sacudiga oo 14 Dal African ah ka joojisay Visa Cumrada

Maamulka sare ee Boqortooyada Sacuuduga, ayaa si KMG ah u hakiyay in viisooyinka cumrada, ganacsiga iyo booqashada qoysaska xilligan la siiyo dadka kasoo jeeda 14 dal , kuwaa oo kasoo

Donald Trump oo Shaaciyay Hadalo Hanjabaad ah oo ku socda Iiraan

Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump, ayaa xalay shaaca ka qaaday in dowladda Iran diyaar u tahay in ay la galaan wadahadallo toos ah ay uga wada hadlayaan barnaamijka Nukliyeerka, inkastoo

Caalamka:- Microsoft oo shaqada ka joojisay gabar indhaha caalamka qabsatay

Gabar lagu magacaabo Ibtihal Abu Saad oo u dhalatay dalka Marooko oo u shaqeeysa shirkadda Microsoft, ayaa qabsatay indhaha caalamka, kaddib markii ku dhax mudaharaaday munaasabadda sannad-guurradii 50-aad ee shirkadda

Ex Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo Geerida Jeneraal Sheegow

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka inay baaritaan dhab ah ku sameeyso Geerida ku timid Jeneraal Sheegow oo in muddo ah u xirnaa Dowladda
Ad
Previous articleAlshabaab oo Laga Saaray Degaan Cadcadeey
Next articleXildhibaanad Dhiirogelin ugu tagtay Ciidamada Beesha Murusade ee Dhawaan Wabxo Kasoo Baxay(Sawiro)