Ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed oo qaab beeleed u abaabulan ayaa maanta ka dhoofay magaalada Muqdisho, kuwaasoo gaaray magaalada Dhuusamareeb.
Ciidankan oo ka soo jeeda beesha Duduble ayaa waxay Muqdisho ka qaaday labo diyaaradood, iyagoo watay qalabkooda milateri.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay xoojin doonaan ciidamo horey halkaas loo geeyay oo loo diyaarinayo iney Al-Shabaab ka saaraan degaano ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Somalia.
Sidoo kale berri oo Jimco ah iyo maalinta xigta ee Sabtida ah ayuu qorshuhu yahay in ciidamo kale laga daabulo magaalada Muqdisho, laguna xoojiyo ciidankan lagu diyaarinayo Dhuusamareeb
Dhowaan labada beelood ee wada dagmooyinka Ceelbuur, Ceel la helay Galhareeri iyo kuwa kale ayaa isla gartay xoreynta degaanadaas qadiimiga ah oo ay muddo dheer ka talinaysay kooxda Al-shabaab.
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay
Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub
Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka