Home Wararka Maanta Mareykanka oo shaaciyay magacyada Shanta nin ee gacanta ku heysa maamulka Al-Shabaab...

Mareykanka oo shaaciyay magacyada Shanta nin ee gacanta ku heysa maamulka Al-Shabaab oo aan Horay loo aqoon

0

Bayaan dhawaan kasoo baxay Mareykanka, oo lasoo dhigay bogga wasaaradda Arrimaha Dibadda ee xukuumadda Washington ayaa lagu shaaciyay magacyada rag mas’uuliyiin sarsare ka ah Al-Shabaab oo lagu daray liiska argagixisada.

“Dowladda Mareyknaku waxay si adag ugu taagan tahay waddada ay ku caawineyso dadaallada dalalka Bariga Afrika iyo Midoga Afrika hoggaaminayaan ee la dagaallanka khatarta Al-Shabaab, oo ka mid ah ururrada ugu halista badan ee hoos taga Al-Qaacida, oo dilay kumannaan qof oo ay ku jiraan muwaadiniin Mareyakan ah oo lagu laayay Soomaaliya iyo Bariga Afrika,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Ragga magacyadooda la xusay ee lagu daray liiska argagixisada ayaa u muuqda kuwo aan horay wax badan looga aqoonin.

Balse warka kasoo baxay Mareykanka ayaa lagu sheegay in ay yihiin shakhsiyaadka sida buuxda gacanta ugu haya Al-Shabaab, xilalka ugu muhiimsanna u haya.

Hoggaamiyeyaashan ayaa sidoo kale lagu soo rogay xayiraad dhaqaale ama cunaqabateyn si gaar ah loogu bartilmaameedsanayo iyaga iyo cid walba oo la macaamisha.

Waxaa go’aanka laga qaatay uu qeyb ka yahay fulinta digreeto amar oo tirsigeedu yahay (E.O.) 13224, taasoo wax ka baddal lagu sameeyay.

Ragga la xusay ayaa kala ah:

Mohamed Mire

Mareykanku waxa uu sheegay in ninkan uu yahay hoggaamiye sare oo ka tirsan Al-Shabaab, mas’uulna ka yahay sameynta istiraatiijiyadda ay ku howlgasho kooxda iyo go’aan qaadshada ugu sarreysa.

Sidoo kale Maxamed Mire waa madaxa garabka arrimaha gudaha ee Al-Shabaab, sida ay sheegtay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka.

Intaas waxaa usii dheer in uu dusa kala socdo ama kormeero howlo badan oo ay Al-Shabaab ka sameyso gudaha Soomaaliya.

Yaasir Jiis

Bayaanka kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa lagu caddeeyay in Yaasir Jiis oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha ugu sarreeya Al-Shabaab uu taliye u yahay garabka hubeysan ee kooxda, oo loo yaqaanno Jabha, kaasoo fuliya dhammaan weerarrada ay Al-Shabaab geystaan.

Faahfaahin kale lagama sii bixin hoggaamiyahan, marka laga reebo in uu ka mid yahay shanta qof eek u biiray liiska argagixisada.

Yuusuf Axmed Xaaji Nuurow

Ninka saddexaad ee magaciisa lagu sheegay warka lasoo dhigay bogga wasaaradda Arrimaha Dibadda ee uu hoggaamiyo Antony Blinken waa Yuusuf Axmed Xaaji Nuurow, oo sidoo kale loo yaqaanno Gees Cadde.

Waxaa lagu tilmaamay in uu yahay madaxa qeybta sirdoonka ee Al-Shabaab oo dad badan ay u garan og yihiin “Amniyaad”.

Garabkan waxa uu door weyn ka qaataa weerarrada ismiidaaminta iyo dilalka qorsheysan ee ka dhaca gobolka.

Mustaf Caato

Sida lagu qeexay isla warbixinta, Mustaf Caato oo ka tirsan madaxda saree e garabka Amniyaadka ayaa ah ninka mas’uulka ka ah isku dubaridka iyo fulinta weerarrada Al-Shabaab ee ka dhaca Soomaaliya iyo Kenya.

Waxa uu sidoo kale gacan ka geystay weerarro lala beegsaday meelo ka tirsan Kenya iyo saldhigyada militeriga Mareykanka ee Kenya.

Mohamoud Abdi Aden

Qofka shanaad ee magaciisa lasoo bandhigay waa Maxamuud Cabdi Aadan oo uu Mareykanku ku sheegay inuu yahay xubin ka tirsan hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab.

Ninkan ayaa si gaar ah loogu tilmaamay in uu qeyb ka ahaa koox qorsheysay weerarkii 2019-kii lagu qaaday hoteelka Dusit2 ee magaalada Nairobi.

Muwaadiinta Mareykanka ayaa looga digay in ay wax lacago ah u diraan shakhsiyaadkan oo lagu soo rogay xayiraad dhaqaale.

Dhawaan ayey ahayd markii uu Mareykanka shaaciyay magacyada toban qof oo Soomaali ah oo u uku tilmaamay inay dhinaca dhaqaalaha ka caawinayeen Al-Shabaab. Dhammaan dadkaas ayaa lagu soo rogay cunaqabateyn.

Doonyo Hub u siday Kooxda Shabaab oo lagu bur-briyay Duqeymo Cirka ah

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni

Dowlada Somaliya oo Sheegtay in 35 Xubnood onShabaab ah lagu dilay Hawlgal ka Dhacay Gobolka Bay

In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Ciidanka Dowlada oo Kaashanaya kuwa Mareykanka oo Duqeyma ka geestay Aadan Yabaal

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay duqeyn culus oo Xalay fiidkii lagula eegtay gudaha degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab. Howlgalkaan

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlay Dagaalka Aadan Yabaal ee Ciidanka Dowlada looga saaray

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka dowladiisa kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqday

Ciidanka Dowlada iyo Kuwa Koonfur Galbeed oo Shabaab kula Dagaalamay Duleedka Baydhabo

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay gaar ahaan degaanka Burjeedka waxa uu dagaal culus ah ku dhex maray Ciidamada Militeriga Soomaaliya iyo kuwa Daraawishta Koonfur Galbeed oo
Ad
Previous articleQoor Qoor oo Galabtay Soo Gaaray Muqdisho(Sawiro)
Next articleRuushka oo isu diyaarinaya dagaalkii ugu cuslaa oo uu ku Qaado markake Ukrain