Home Wararka Caalamka Ruushka oo isu diyaarinaya dagaalkii ugu cuslaa oo uu ku Qaado markake...

Ruushka oo isu diyaarinaya dagaalkii ugu cuslaa oo uu ku Qaado markake Ukrain

0

Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Ukraine ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay isu diyaarinayaan inay galaan “dagaalladii ugu cuslaa” ee ka dhaca gobolka istaraatiijiga ah ee koonfurta Kherson.

Ciidamada Ruushka ee ku sugan gobolka ayaa lagu qasbay in ay dib u gurtaan todobaadyadii la soo dhaafay, ka dib markii ay la kulmeen weeraro ka socday dhinaca galbeed ee wabiga Dnipro.

Oleksiy Arestovych oo ah la taliye sare oo ka tirsan xafiiska madaxtooyada Ukraine ayaa sheegay in Ruushka ay sii xoojinayeen ciidamadooda, islaamarkana ay ku qasbayaan dadka rayidka ah inay halakaasi isaga baxaan.

Waxaa uu intaa ku daray in dagaalkan uu noqon doono midkii ugu adkaa. Caasimada gobolka Kherson ayaa ku jirtay gacanta ciidamada Ruushka tan iyo maalmihii ugu horeeyay ee duullaanka Ukraine ay ku qaadeen 8 bilood ka hor.

Ad
Previous articleMareykanka oo shaaciyay magacyada Shanta nin ee gacanta ku heysa maamulka Al-Shabaab oo aan Horay loo aqoon
Next articleKu Dhawaad 15 Qof oo ku dhimatay Weerar lagu qaaday Masjid ku Yaalla Iran

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here