Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo xoogan oo goordhow laga maqlay gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.
Qaraxyada oo labo ahaa ayaa waxaa loo adeegsaday gawaari laga soo buuxiyey walxaha qarxay, kuwaas oo ahaa ismiidaamin, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo deegaanka.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxyadan lagu bartilmaameedsaday xerada Lama Galaay oo ay ku yaallaan xafiisyada ay ku shaqeeyaan mas’uuliyiinta maamulka HirShabelle.
Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana socdo gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeelada soo gaartay.
Ad