Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Dr Cabdixakiim Luqmaan Xaaji Muxumed , ayaa magacaabay guddi xildhibaano ah oo katirsan Baarlamaanka Hirshabelle, kuwaa oo loogu tala galay taakuleynta ciidamada deegaanka ee ka dagaalamaya Hiiraan.
Qoraal uu soo saaray guddoomiyaha baarlamanaka Hirshabelle ayaa lagu sheegay in xildhibaanada baarlamaanka Hirshabelle go’aansadeen in ay mushaarkooda iska jaraan si ay ugu taageeraan uguna dhiiro galinayaan ciidamada deegaanka.
Xubnaha guddiga uu magacaabay guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle ayaa loogu tala galay in ay ka shaqeeyaan taakuleynta iyo dhiiro gelintaciidamada macawuusleyda ee dagaalka kula jira Al Shabaab.
Ad