Home Wararka Caalamka Qareen u dhashay dalka Kenya oo wajahayay eedeymo la xiriira faragelinta dacwad...

Qareen u dhashay dalka Kenya oo wajahayay eedeymo la xiriira faragelinta dacwad ka socotay Maxkamadda Caalamiga (ICC) oo geeriyooday.

0

Qareen u dhashay dalka Kenya oo wajahayay eedeymo la xiriira faragelinta dacwad ka socotay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa geeriyooday, sida ay qoyskiisa iyo booliiska u xaqiijiyeen warbaahinta gudaha.

Booliska dalka Kenya ayaa sheegay in qareen Paul Gicheru meydkiisa laga helay gurigiisa oo ku yaala magaalada caasimada ah ee Nairobi habeenimadii Isniinta.

Mr Gicheru ayaa lagu eedeeyay in uu laaluushay marqaatiyaashii doonayay in ay ku marqaati furaan William Ruto – oo hadda ah madaxweynaha Kenya – rabshadihii ka dhacay Kenya 2007-2008 ka dib doorashooyinkii oo ay ku dhinteen in ka badan 1,000 qof.

Eedeymahaasi waa uu beeniyay. Qareenka ayaa isku soo dhiibay maxkamada bishii Nofeembar 2020, shan sano kadib markii maxkamada ICC ay soo saartay amar lagu soo xirayo

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in eedeymaha loo soo jeediyay ay wax u dhimayaan dacwadda Mr Ruto uu ku wajahay maxkamadda.

Mr Ruto ayaa lagu eedeeyay dil, masaafurin iyo cadaadis intii ay socdeen rabshadihii Kenya ka dhacay doorashadii ka dib – eedeymaha uu mar walba diido. Maxkamadda ICC ayaa joojisay dacwadii ka dhanka ahayd iyada oo loo haysto cadaymo la’aan.

Ad
Previous articleGuddi taakuleeya Ciidamada Deegaanka ee ka dagaalamaya Hirshabelle oo la magacaaba
Next articleDowlada Masar oo kusoo Biirtay Dagaalka lagu Baacsanaayo Alshabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here