Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Guddi taakuleeya Ciidamada Deegaanka ee ka dagaalamaya Hirshabelle oo la magacaaba

Guddi taakuleeya Ciidamada Deegaanka ee ka dagaalamaya Hirshabelle oo la magacaaba

0

Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Dr Cabdixakiim Luqmaan Xaaji Muxumed , ayaa magacaabay guddi xildhibaano ah oo katirsan Baarlamaanka Hirshabelle, kuwaa oo loogu tala galay taakuleynta ciidamada deegaanka ee ka dagaalamaya Hiiraan.

Qoraal uu soo saaray guddoomiyaha baarlamanaka Hirshabelle ayaa lagu sheegay in xildhibaanada baarlamaanka Hirshabelle go’aansadeen in ay mushaarkooda iska jaraan si ay ugu taageeraan uguna dhiiro galinayaan ciidamada deegaanka.

Xubnaha guddiga uu magacaabay guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle ayaa loogu tala galay in ay ka shaqeeyaan taakuleynta  iyo dhiiro gelintaciidamada macawuusleyda ee dagaalka kula jira Al Shabaab.

Ad
Previous articleMusharaf Maxamed Macalin oo Al-Shabaab Faacebook ka Dhaleeceeyey oo qarax la beegsatay
Next articleQareen u dhashay dalka Kenya oo wajahayay eedeymo la xiriira faragelinta dacwad ka socotay Maxkamadda Caalamiga (ICC) oo geeriyooday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here