Home Wararka Maanta Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Mareykanka oo ka...

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Mareykanka oo ka jawaabay hadalkii dhawaan kasoo yeeray dowlad-goboleedka Puntland

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa ka jawaabay hadalkii dhawaan kasoo yeeray dowlad-goboleedka Puntland, kaasi oo diidmo uga muujiyeen dhaq-dhaqaaqyada la xiriira shidaalka Soomaaliya ee ay waddo dowladda federaalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadal ka jeedinayay kulan uu la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka ayaa ugu horeyntii sheegay inay jiraan dad dagaal adag kala horyimaada marka lagu dhaqaaqo arrimo la xiriira horumarka Soomaaliya.

“Waxaa go’aan inaga ah sanadkaan in aan furno waxkasta oo fursad ah (shidaal) oo ka jira dalka, qeylo iyo buuq badana waa maqli doontan laakiin waxaa rabnaa mid Soomaaliya wax u tarta inay noqoto,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale waxa uu sheegay in mar walba ay muhiim tahay in geesinimo la muujiyo oo aan la cabsan, taasi oo qeyb ka tahay mushkiladaha Soomaaliya xiligaan heysta ee dhibaatooyinka kala duwan ee dhinaca siyaasadda.

“Awoodeena iyo fahamkeena hadba intuu gaarsiisan yahay waa in aan socodsiina, aayado quraan ah iyo wacdi soo dagaya ma aha hadey qaldan yihiin beri qofkii inaga dambeeyow sax oo toosi, laakiin in albaabkaas la furi waayo waa diidanahay.”

Xasan Sheekh ayaa ku adkeysanaya fulinta sharcigaan oo ay sheegtay Puntland inay aad uga xun tahay sida ay dowladda federaalka Soomaaliya u wajaheyso fulinta sharcigaan iyo in lagu deg-dego ka ganacsiga kheyraadka dalka, sida hadalka loo dhigay.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleAlshabaab oo markale Gubay Degaan ku Yaala Gobalka HIiraan Xili Dagaal Adag lagu Qaaday
Next articleCiidamadii ku wajahnaa Ceelbuur oo Minooyin badan Qarxiyay(Sawiro)