Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Alshabaab oo markale Gubay Degaan ku Yaala Gobalka HIiraan Xili Dagaal Adag...

Alshabaab oo markale Gubay Degaan ku Yaala Gobalka HIiraan Xili Dagaal Adag lagu Qaaday

0

Dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa dab qabadsiiyay guryo iyo ceel biyood ku yaalay deegaanka Ceel-jiqoow oo kamid ah deegaannada hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in dabley hubeesan oo katirsan Al Shabaab deegaanka yimaadeen, kuwaa oo dadka shacabka ah ku amray in guryaha bannaanka uga soo baxaan, kaddibna dab qabadsiiyay guryihii halkaasi ku yaalay.

Al Shabaab ayaa sidoo kale la sheegay in ay qarxiyeen halkii ceel biyood ee ku yaallay deegaankaasi dadkuna biyaha ka cabayeen, waxaana dadkii kunoolaa deegaanka Ceel-jiqoow lasoo darsay xaalad biyo la’aan iyo guryo la’aan ah.

“Wallaaloow anaga oo guryaheena iska joogna ayay Al-Shabaab nagu amreen inaan isaga axno, markii aan ka tagnayna waa ay gubeen, ceelkii Biyaha aan ka cabi jirnayna qaraxyo ayay ku burburiyeen, mana qaano waxa aan ka galabsanay” ayuu yiri Mid kamid ah dadka degaanka Ceel-jiqoow

Al Shabaab ayaa sidan oo kale horey u gubay guryo badan iyo ceelal biyoodyo ku yaallay deegaano katirsan gobolada Hiiraan iyo Galgaduud, deegaanadaasi ayaana waxaa kunoolaa dad kasoo jeeda qabiilo hubka u qaatay in Al Shabaab la dagaalamaan.

Ad
Previous articleMuuse Biixi: “Xasanow adigoo Burundi iyo Uganda ay ku ilaaliyaan, Somaliland uma awood sheegan kartid”
Next articleMadaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Mareykanka oo ka jawaabay hadalkii dhawaan kasoo yeeray dowlad-goboleedka Puntland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here