Baarlamaanka Jubbalan ayaa si aqlabiyad ah ku meelmariyey in mudo hal sano ah lagu kordhiyo mudo xileedka Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
August-2019kii ayaa Axmed Madoobe lagu doortay doorasho uu garwadeen ka ahaa Raysalwasaaraha maanta Xamse Cabdi Barre, sidaas oo kalena Caleema-saarkiisa oo ay diidanayd dawladda Faderaalka, waxaa ka qeybgalay Madashii Mucaaradka oo uu hogaaminayey Madaxweyne Xasan Sheekh oo doorashadaas kusifeeyey mid sharci ah.
August 2024-ka ayuu ku e’eg yahay mudo xileedka cusub ee Madaxweyne Axmed Madoobe.
Ad