Home Wararka Caalamka Taajirka Qamadiga Ukriane ee uu ku habsaday Gantaalka Ruushka Soo Riday

Taajirka Qamadiga Ukriane ee uu ku habsaday Gantaalka Ruushka Soo Riday

0

Mid kamid ah ragga ugu taajirsan Ukraine ayaa ku dhintay duqeyn xoogaan uu Ruushka ka geystay magaalada koonfurta ku taalla ee Mykolaiv.

Oleksiy Vadatursky, 74, iyo xaaskiisa Raisa ayaa dhintay markii xaley uu gantaal ku dhacay ku dhacay gurigooda, sida ay ku warrantay warbaahintaa Ukraine.

Mr Vadatursky wuxuu lahaa shirkad dhoofisa qamadiga oo lagu magacaabo Nibulon.

Ninkan ayaa ku guuleystay abaalmarinta “Halyeeyga reer Ukraine”

Duqa magaalada Mykolaiv, Oleksandr Senkevych ayaa sheegay in duqeymihii ugu xoogganaa ay ka dhaceen magaalada.

Wuxuu intaa ku daray in duqeymaha Ruushka ay burburiyeen maqaaxi, goob kubadda lagu ciyaaro, iskuullo iyo guryo.

Magaalada Mykolaiv waxay ku taalla waddada weyn ee aada gobolka Odesa oo ay ku taal dekedda ugu weyn Ukriane halkaas oo si joogto ah ay u duqeeyeen ciidamada Ruushka.

 

 

Ad
Previous articleAl-Shabaab oo ka hadashay duqeynta Itoobiya ka Gaysatay ee Hiiraan.
Next articleMadaxweyne Deni oo bilaabay olole siyaasadeed cusub

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here