Home Wararka Maanta Al-Shabaab oo ka hadashay duqeynta Itoobiya ka Gaysatay ee Hiiraan.

Al-Shabaab oo ka hadashay duqeynta Itoobiya ka Gaysatay ee Hiiraan.

0

Duqeyn ayaa maanta duhurkii laga soo sheegay inta u dhexeysa Matabaan iyo Beledweyne gaar ahaan aag hoostaga deegaanka Coomaad halkaas indhawaalaba ay isku hor fadhiyeen ciidamada dowladda iyo dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in maanta ay arkayeen diyaarado joog hoose ku duulayey.

Al-Shabaab waxay sheegtay in diyaarad ay leeyihiin ciidamada Itoobiya in aaggaas ay gantaal ku dhufutay.

Waxay sidoo kale sheegtay Al Shabaab in aysan jirin khasaare ka dhashay duqeyntaas.

Ilo ku dhaw-dhaw maamulka degmada Matabaan ayaa warbaahinya  u sheegay inay jirto duqeyn xagga cirka ah oo ka dhacday halkaas laakiin ma aysan sheegin cidda fulisay weerarkaas.

Itoobiya weli ma aysan sheegin in duqeyn ay ka fulisay gudaha Soomaaliya.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan sheikh oo Tababar usoo xiray Saraakiil Tababar ku qaadatay xerada Turkisom {Sawiro}
Next articleTaajirka Qamadiga Ukriane ee uu ku habsaday Gantaalka Ruushka Soo Riday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here