Home Wararka Somaliya Puntland Madaxweyne Deni oo bilaabay olole siyaasadeed cusub

Madaxweyne Deni oo bilaabay olole siyaasadeed cusub

0

Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay kulan muhiim ah xarunta Madaxtooyada ee Garoowe kula qaatay Guddiga Kumeel gaarka ah ee doorashooyinka iyo wakiilada ururada siyaasadda Puntland.

Kulanka ayaa lagu lafa-guray dardar-gelinta iyo dhameystirka nidaamka dimuqraadiyadda Puntland, iyadoo hadda ay socoto diyaarinta Doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyada.

Sida ay soo warinayaan illo-wareedyo lagu kalsoon yahay madaxweyne Deni ayaa waxa uu guddiga la wadaagay warbixin ku saabsan qorshaha xukuumadiisa, ka hor inta uusan ka dhamaan muddo xileedkiisa.

Deni ayaa raba in uu sii dardar-geliyo barnaamijka doorashooyinka hanaanka dimuqraadiga ah, si markale uu ololaha doorashada ugu galo, xili ay u harsan tahay wax ka yar labo sano.

Waxaa xusid mudan intii ay socotay doorashada tijaabada ah ee goleyaasha deegaanka in Deni iyo ururkiisa kuraas badan kaga guuleystay laba kamid ah musharaxiintii uu tartanka la galay 2019-kii.

Sidoo kale waxa uu ururka talada haya ee Kaah uu dhankiisa ku fashilmay dhisida golaha deegaanka Eyl, ayada oo qaar kamid ah ururada siyaasadda Puntland ay doorashadii ugu dambeysay ee saddex degmo ay sheegeen inay hareeyeen wax is-dabamarin.

Dhinaca kale, Saciid Deni ayaa isla shalay magaalada Garoowe kula kulmay odayaal dhaqameed, ayada oo illaa hadda aan si dhab ah loo ogeyn waxxa uu ku saabsanaa wada-hadalkaas oo gebi ahaanba saxaafadu dibad-joog ka aheyd.

Ad
Previous articleTaajirka Qamadiga Ukriane ee uu ku habsaday Gantaalka Ruushka Soo Riday
Next articleDagaal xooggan oo dhex maray ciidamada Taalibaan iyo kuwa IIraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here