Dalka Ukraine waxaa muddo isbuuc ah ka socda dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada dalkaasi iyo kuwa Ruushka ee duullaanka ku qaaday, dagaalka ayaana dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ciidamada Ruushka ayaana madaafiic culus iyo gantaalo ku garaacaya magaalada Kyiv iyo magaalooyin kale oo dalkaasi kuyaalla, waxa ayna duqeymahaasi bur buriyeen xarumo dowladeed iyo xeryo ciidan.
Firirka gantaal ee ciidamada Ruushka ku garaaceen magaalada Kiyiv ayaa lagu soo waramayaa in uu ku dhacay guriga uu Madaxweynaha dalkaasi Zlenesky degan yahay , lamana soo sheegin khasaaro nafeed oo gantaalka firirkiisa ka dhashay.

Wararka ugu Danbeeyay ee Maanta
Ad


