Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Degdeg : Sarkaal ka Tirsanaa Booliska oo goordhow la Toogtay

Degdeg : Sarkaal ka Tirsanaa Booliska oo goordhow la Toogtay

0

Sarkaal ka tirsanaa ciidamada booliska dowlad goboleedka HirShabeelle ayaa caawa lagu dilay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, sida ay noo xaqiijiyeen hey’adaha amniga ee magaalada.

Sarkaalkaas oo lagu magacaabi jiray Axmed Xasan Biriq ayaa goordhaw lagu dhex toogtay xaafadda Howlwadaag ee magaalada Beledweyne.

Sida ay noo sheegeen saraakiisha ammaanka ee magaalada ninkaan waxaa dishay koox bistoolado ku hubeysan, waxaana magaalada ka socda howlgal lagu baacsanayo.

Beledweyne waxay ka mid tahay magaalooyinka ugu ammaanka xun dalka, waxaana ka dhaca dilal qorsheysan oo kooxda Al-Shabaab ay sheegato inta badan masuuliyadooda.

Sidoo kale magaalada waxaa ka socota doorashada kuraasta golaha shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay gobolka Hiiraan, waxaana ku sugan dhamaan madaxda sare ee dowlad goboleedka HirShabeelle.

Waxaa xusid mudan in ciidan xoog leh oo isugu jira Gor Gor, Haramcad, Militeri iyo booliska ay isku howlayaan inay aad u sugaan ammaanka magaalada Beledweyne oo caawa lagu dhex dilay mid ka mid ah saraakiisha booliska ka howlagala magaaladaas.

Ad
Previous articleDowladda Qatar oo shaacisay in Madaxweyne Farmaajo oo Biri gaarayo Wadanka Qater
Next articleGuri uu ku jiray Madaxweynaha Dalka Ukrain oo La Duqeeyeey(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here