Home Wararka Maanta War Cusub oo kasoo kordhay Xayiraadii uu maraykanku Saaray Madaxda Soomaalida

War Cusub oo kasoo kordhay Xayiraadii uu maraykanku Saaray Madaxda Soomaalida

0

Dowladda Mareykanka ayaa dhawwaan shaacisay in cunaqabateyn dhinaca socdaalka ama viisaha kusoo rogtay Madax kala duwan oo katirsan dowladda federaalka, madaxda maamul goboleedyada , musharaxiin, siyaasiyiin iyo saraakiil ciidan.

Mareykanka oo diyaariyay magacyada xubnaha cunaqabateynta dhinaca socdaalka kusoo rogay ayaan wali si rasmi ah u shaacin, waxaana wararka aan helnay sheegayaan in xubnaha xayiraada socdaalka la saaray qaarkood si hoose loogu sii sheegay.

Warar hoose aan helnay ayaa sheegaya in dowladda Mareykanka ay sii balaarisay dadka ay kusoo rogtay xanibaada socdaalka, waxaana lagu daray xubno hor leh ay ku jiraan masuuliyiin xilal haya, saraakiil ciidan, musharaxiin iyo Xildhibaano dooran.

Sida aan xoggaha ku helnay Mareykanka ayaana sii balaarinaya dadka uu xayiraada dhinaca socdaalka kusoo rogayo ee caqabada ku noqday doorashada dalka ,waxaana suurto gal ah in musharaxiinta qaar saameyn ku yeelato xanibaadan.

Mareykanka ayaa la filayaa in uu shaaciyo liiska masuuliyiinta uu kusoo rogay xayiraada dhinaca socdaalka marka doorashada lasoo gabagabeeyo bishan dhaxdeeda, waxaana hada cabsi badan lasoo daristay xubnaha liiska ku jira iyo kuwa ka cabsi qaba in lagu soo daro.

Dowladdo hor leh oo xiriir la leh Mareykanka ayaa sidoo kale la filayaa in iyana xayiraada dhinaca socdaalka kusoo rogaan dadka Mareykanka ugu shakisan yahay in caqabad ku noqdeen doorashada Soomaaliya si ciqaab looga dhigo.

Doorashada Soomaaliya ayaa ka dib dhacday muddo sannad ka badan, waxaana eeda ugu horeesay loo jeediyay Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo oo isku dayay in muddo kororsi sameeyo halkii uu doorasho waqtigeeda ku qaban lahaa.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleGolaha Qaramada Midoobay oo Go,aan Culus kasoo Saaray Dagaalka Ruushku Ku Qaaday Ukrayn
Next articleLix Xildhibaan oo Wada Cusub oo Maantay lagu doortay Baydhabo aqriso Cida ay badaleen