Home Wararka Somaliya Madaxweyne Xasan Sheikh oo isbitaalka Digfeer ku booqday Dadkii ku soo dhaawacmay...

Madaxweyne Xasan Sheikh oo isbitaalka Digfeer ku booqday Dadkii ku soo dhaawacmay Dagaalkii Wisil {Sawiro}

0
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya  Hassan Sheikh Mohamud oo uu wehliyay xildhibaan Mahad Salad ayaa maanta Isbitaalka Digfer ee Muqdisho waxay ku booqdeen dhaawacyada dadkii shalay kusoo waxyeeloobay weerarkii  Al Shabaab ay ku qaadeen Wisil oo qiyaastii 60KM u jirta degmada Hobyo ee gobolka Mudug.
Xasan sheikh Maxamuud ayaa mid mid u kormeeray dhaawacyada askarta ee isbitaalka jiifa waxuuna kuwii qabay dhaawacyada Fudud ka dhagaystay Warbixin ku saabsan sida wax usoo gaareen.
Maamulka isbitaalka ayuu ku adkeeyay inay gutaan waajibaadka ka saaran caafimaad qabka askartaan ku soo dhaawacantay Weerar ku bilaawday Qarax ismiidaamin ah oo Alshabaab shalay ku qaadeen deegaanka Wisil ee Gobalka Mudug.
Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud ayaa caafimaad deg deg ah u rajeeyay dhaawacyadii uu booqday, isagoo shacabka Soomaaliyeed, masuuliyiinta heer gobol iyo heer Federaalba ugu baaqay in meel looga soo wada jeesto arxaanlaaweyaasha caadeystay laynta shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna naxariistii janno eebe uga baryay muwaadiniintii ku shahiiday weerarkaasi.
Ad
Previous articleQaramada Midoobey oo shaacisay Tirada dadkii ku Barakacay Dagaalkii Wisil
Next articleWar deg deg Ah: Xoogaga TPLF oo ciidamada Itoobiya kala wareegay Magaalada Makelle

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here