Home galmudug Gamudug Maxkamada Degmada Guriceel oo go’an ka gaartay kiis kufsi horay u...

Gamudug Maxkamada Degmada Guriceel oo go’an ka gaartay kiis kufsi horay u dhacay.

0

Maxkamada degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug ayaa Go’aan waxa ay ka gaartay kiis kufsi ah oo degmadaas loogu geystay bil ka hor Gabar yar oo lagu Magacaabo Roodo Nageeye.

Kiiskaas Kufsiga ah ayaa waxaa loo soo qabtay Afar dhalinyaro ah oo lagu eedeeyey,waxaana Maxkamada Degmada Guriceel ay midkiiba ku xukuntay Xabsi lix bilood ah.

Dhalinyarada oo Maxkamad la soo taagay ayaa laba ka mid ah qirteen halka labada kale ay sheegeen inay kala Shaqeeyeen in Gabadha Guri la geeyo lana heshiiyeen,waxaana ay meesha ka saareen in uu kufsi ka dhacay,iyaga oo lagu dhaariyey Kitaabka Qur’aanka Kariiimka ah.

Dhinaca kale labada Wiil ee Xukunka lagu riday min lixda bilood ee dambiga qirtay ayaa waxaa u dheer min Boqol Jeeyday sida uu Fadhiga ka sheegay Guddoomiyaha Maxkamada degmada Guriceel Sheekh Maxamuud jimcaale.

Ugi dambeyn Goobta Maxkamada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Aabaha dhalay gabadha,waxaana uu sheegay in uu ku qanacsan yahay xukunka ay riday Maxkamada Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here