Yuusuf Garaad oo su’aalo Adag ka keenay askarta ku maqan Dalka Ereteeriya

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar, ahna haatan Ergayga gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa ka hadlay arrinta ciidamada ku maqan Eritrea oo shalay muuqaaladii ugu horreysay laga helay, kadib markii uu xeradooda ku booqday madaxweyne Xasan Sheekh.

Yuusuf Garaad oo soo qaatay muuqaal uu sii daayey Telefishinka Eritrea oo ka hadlay booqashada madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Eritrea ay ku tegeen xerada lagu tababarayo ciidamadaas Soomaaliyeed ayaa su’aalo ka keenay muuqaalka laga helay dhalinyaradaas oo saddexdii sano ee lasoo dhaafay walaac laga muujinayey noloshooda.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda oo soo qaatay hadalkii oo hadda ka hore taliyaha ciidanka Xoogga Dalka ka sheegay baarlamaanka ayaa keenay su’aalahaan.

“Taliyaha miyaa ulakac u qalday Baarlamaanka? Mise isaga ayaa xog laga qarsaday oo la qalday?,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga.