Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Shiikh oo Markale Maantay Booqanaaya Ciidamo si Gaar ah loogu...

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Markale Maantay Booqanaaya Ciidamo si Gaar ah loogu Tababaray Eriteriya Waa Kuwee?

0

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta booqanaya Kumanaan kamid ah ciidamada Soomaaliya oo loo tababaray Qeybta ciidanka Badda oo 2-dii sanno ee lasoo dhaafay ku qaadanayay tababaro dalka Eritrea, gabi ahaanba ciidankan ayaa maray tababaro nooc kasta oo ciidan qaato ah.

Madaxweynaha ayaa saldhigan booqan doona maanta, isagoo hadal ujeedin doona cutubyadan ciidan oo gaar loogu tababaray Ilaalinta Badda, oo ay baahi weyn u qabtay Soomaaliya, haddana sidaas oo kale qaba isla tababar Milateriga dhulka ah.

Shalay ayuu Madaxweyne Xasan lakulmay ciidamada Kumaandooska gaarka ah, ee ay tababartay dawladda Eritrea, kuwaas oo mudo dheer laga sameeyey been-Abuur ka yimi Shisheeye iyo Sokeeye.

5,000 oo ah Askar Soomaaliyeed oo leh Tayo-sare oo tababar ah awood u leh u adkeysiga daruufaha adag ee dagaalka iyo iskaga gudbida masaafoyinka dhaadheer ayay lawareegtay dawladda Federaalka.

Ad
Previous articleCiidamo Kasoo Horjeeda Laftagreen oo Durbaba La Sameeyey Amar Culusna soo Saray
Next articleYuusuf Garaad oo su’aalo Adag ka keenay askarta ku maqan Dalka Ereteeriya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here