Home Wararka Somaliya Yaasiin Fareey oo markale Ka Hadkay Xaalada Mukhtaar Rooboow

Yaasiin Fareey oo markale Ka Hadkay Xaalada Mukhtaar Rooboow

0

Yaasiin Farey” Ma jirto wax nagu kallifaya in xaaladda Rooboow aan ka abuurno waxyaabo aan jirin”.

Yaasiin Farey oo la hadlay VOA ayaa u sheegay in Mukhtaar Rooboow uu ku suganyahay guri ku dhexyaalla xarunta NISA, amnigiisuna uu suganyahay, isagoo intaas ku daray in mas’uuliyadda ugu badan ee NISA ay tahay in isaga la ilaaliyo.

Waxa kaloo uu sheegay in noloshiisa iyo amnigiisa ay u hayaan sida ay ku sheegeen warqaddii uu soo saaray, wuxuuna intaas ku daray inaysan jirin wax ku kallifaya inay abuuraan waxyaabo aan jirin.

Yaasiin Farey ayaa sidoo kale sheegay inaysan jirin caafimaad darro ama culeys gaar ah oo heysata Mukhtaar Rooboow.

Isagoo ka hadlayay kuwa ay yihiin shuruudaha aanu buuxiin Mukhtaar Rooboow, waxa uu Gashaanle Sare Yaasiin Farey sheegay “In haddii qofka la wanaajiyo aysan ka dhigneyn inuu shuruudaha uu wada buuxiyay.

Wuxuu intaas ku daray inaysan hadda Mukhtaar Rooboow aysan u heynin arrimo siyaasadeed, balse loo hayo amnigiisa iyo ilaalinta amniga dadweynaha, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka Yaasiin Fareey ayaa imaanaya kadib markii shalay uu BBC-da walaal la dhashay Mukhtaar kaas oo sheegay muddo saddax sano ah aysan arag walaalkiisa.

Ad
Previous articleDeg Deg Alshabab òo Weerer Kula Wareegay Degmada Balcad
Next articleKooxda Daacish oo Qoorta Ka Jaray Sarkaal Todobaad Kahor Gacanta Kuu Dhigeen(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here