Home Wararka Maanta Kooxda Daacish oo Qoorta Ka Jaray Sarkaal Todobaad Kahor Gacanta Kuu Dhigeen(Sawiro)

Kooxda Daacish oo Qoorta Ka Jaray Sarkaal Todobaad Kahor Gacanta Kuu Dhigeen(Sawiro)

0

Mas’uuliyiinta dalka Ciraaq ayaa xaqiijiyay dilka sarkaal sare oo ka tirsan booliska dalkaasi labo todobaad kadib markii ay afduubteen kooxda Daacish.

Daacish ayaa soo bandhigtay sawir Talaadadii kaasoo muujinayay Colonel Yasser al-Jourani oo qoorta laga gooyay loona xiray dhar midabkiisu ahaa jaalle. Waxaa la qafaashay isaga oo howlgal ka waday gobolka fog ee Xamriin ee dalka Ciraaq.

Mid ka mid ah dadkii la socday ayaa la helay isaga oo meyd ah, halka midka kalena nolol lagu helay, balse markii dambe ayuu u geeriyooday dhaawacii loo geystay.

Ciidanka Ciraaq ayaa wacad ku maray in ay u aargudi doonaan sarkaalkaas ay daacish qoorta ka goysay.

Ad
Previous articleYaasiin Fareey oo markale Ka Hadkay Xaalada Mukhtaar Rooboow
Next articleGalmudug oo Mashariic Hormarineed ka Bilowday Degmado Dhawaan lagu Dhawaaqay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here