Home Wararka Maanta Xuseen Cabdiraxmaan Maxamed Yuusuf oo Alshabaab ka tirsanaa oo Xukun adag lagu...

Xuseen Cabdiraxmaan Maxamed Yuusuf oo Alshabaab ka tirsanaa oo Xukun adag lagu riday

0

Xuseen Cabdiraxmaan Maxamed Yuusuf ayaa loo soo xiray inuu Alshabaab u qaabilsanaa kala gudbinta hubka waxaana soo qabtay Ciidanka Xooga Dalka. 16-Kii Bishii August ee Sanadkan.

Ciidamada Amniga ayaa ku wareejiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, waxayna isla xilligaasi Garsoorka Ciidamada Ogolaadeen in xabsiga dhexe loo gudbiyo Garsuge ahaan 08-dii September ee sanadkan.

Xuseen ayaa Al-shabaab ku biiray Bishii Maarso ee Sanadkan waxaana uu kaga biiray Gobolka Shabeellada Hoose deegaanka Faarax Wacays, waxaa ku tashkiiliyay sarkaal isna u qaabilsan al-shabaab kala gudbinta hubka, tiro 3 jeer ah ayuu rasaas ka soo qaaday Beerta Ilka-Bariis oo ku taal dagmada Awdheegle waxaana uu u geeyay sarkaalka shaqada u qoray.

Baaris dheer kadib 07dii- Bishan Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa Codsaday Dacwad Qaadista Kiiska Xuseen ayaa laga Ogolaaday 16-kii Bishan aan ku jirno, waxay Maxkamadda la wadaageen cadeenta Miinadii lagu soo qabtay eedeysanaha iyo qiraalkiisa.

Qareenada u dooday Eedeesane Xuseen Cabdiraxmaan ayaa u sheegay garsoorka in uu ku cusbaa ka mid ahaanshaha kooxda kana codsaday in xukunka loo qafiifiyo.

Kadib Maxkamadda oo waqti ku Filan siisay dhinacyada ayaa 21-kii Bishaan ku xukuntay 15-sano oo xabsi ciidan ah Xuseen Cabdiraxmaan Maxamed Yuusuf sida uu dhinacyada dacwadda u sheegay Garsoore Axmed Cali Axmed oo ka tirsan Garsoorayaasha Maxkamadda Darajada Koowaad.

Xukunkasanaha haysta Fursad uu ku dalban karo racfaan inta sharciga laga Ogol yahay.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xassan Shiikh oo Xalay ku hoyday jiidaha hore ee Dagaalka Shabeelada dhexe(Sawiro)
Next articleQaar ka mid ah Shabaabka dagaalka kula jira ciidanka Dowlada oo iskusoo dhiibay Ciidamada Galmudug(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here