Home Wararka Maanta Xukuumada Soomaaliya oo diiday Ansixinta Heshiis ay Dhawaan kala Saxiixdeen Soomaaliya iyo...

Xukuumada Soomaaliya oo diiday Ansixinta Heshiis ay Dhawaan kala Saxiixdeen Soomaaliya iyo Imaaradaka

0

Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya oo xalay ku shiray magaalada Muqdisho ayaa ansixiyay  sharciga la dagaalanka Argagixisada, sharciga socdaalka iyo sharciga heshiiska Iskaashi Ganacsiga ee Soomaaliya iyo Uganda.

Dood iyo falanqeyn dheer ay yeesheen kaddib ayey golaha wasiirrada xukuumada Soomaaliyeed ku meel mariyeen sharciyadaasi ay soo gudbiyeen wasaarrado katirsan xukuumada Soomaaliya.

Golaha wasiirrada ayaana diiday in ay ansixiyaan heshiiska iskaashi amni oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo golaha horkeenay wasiirkii hesiiskaasi soo galay ee gaashaandgigga C/qaadir Maxamed Nuur.

Qaar kamid ah wasiirrada xukuumada Soomaaliya ayaana dood adag ka keenay meel marinta heshiiskan amni ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka, waxa ayna tilmaameen in muhiim tahay in heshiiskaasi dib loogu laabto laguna sameeyo wax ka bedel.

Golaha wasiirrada ayaana gabogabadii kulanka dood iyo falanqeyn dheer kaddib ku taliyay in heshiiska ay dib u celiyeen loo gudbiyo wasaaradda cadaaladda iyo xafiiska garyaqaanka Guud si ay uga soo tala bixiyaan.

Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya oo dedaal badan u galay meel marinta heshiiskan ayaa ku guuldareestay, waxa ayna tani noqoneysaa heshiiskii ugu horeeyay ee golaha wasiiradda la horgeeyo ayna si cad usoo celiyaan.

Ad
Previous articleMadaafiic Lagu Garaac Xafada ku Teedsan Villa Soomaaliya
Next articleWAR DEG DEG AH: Dhuusamareeb oo lagu Doortay Kursigii Mahad Salaad Baneeyey yaa Kusoo Baxay?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here