Home Wararka Maanta Madaafiic Lagu Garaac Xafada ku Teedsan Villa Soomaaliya

Madaafiic Lagu Garaac Xafada ku Teedsan Villa Soomaaliya

0

Waxaa goordhaw tiro madaafiic ah oon la ogeyn halka laga soo tuuray ku dhaceen xaafado ku dhaw dhaw xarunta madaxtooyada Soomaaliya , waxa ayna madaafiicdaasi qalqal galiyeen shacabka ku dhaqan xaafadahaasi.

Madaafiicda oo laga maqay xaafado katirsan magaalada Muqdisho ayaa si isdaba joog ah ugu dhacay agagaarka xarunta madaxtooyada, lamana oga in madaafiicdaasi qaarkood ku dhaceen madaxtooyada iyo xarumaha kale ee ku dhaw dhaw.

Weerarkan loo adeegsaday madaafiicda ayaa imaanaya xilli maanta magaalada Muqdisho ammaankeeda si weyn loo adkeeyay , waxaana magaalada iyo duleedkeeda la dhigay ciidamo badan oo loogu tala galay xaqiijinta amniga iyo kahor taga weerarkan oo kale.

Xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa marar badan lagu tuuray madaafiic, waxaana inta badan la sheegaa in madaafiicdaasi ku dhacaan meel ka baxsan madaxtooyada una badan guryo dad shyacab ah degan yihiin.

Ad
Previous articleWadooyinka Magaalada Muqdisho oo Saakay Xiran Xili Shirka Madaxda Dalalka Safka Hore uu Socdo
Next articleXukuumada Soomaaliya oo diiday Ansixinta Heshiis ay Dhawaan kala Saxiixdeen Soomaaliya iyo Imaaradaka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here