Home Wararka Somaliya Galmudug WAR DEG DEG AH: Dhuusamareeb oo lagu Doortay Kursigii Mahad Salaad Baneeyey...

WAR DEG DEG AH: Dhuusamareeb oo lagu Doortay Kursigii Mahad Salaad Baneeyey yaa Kusoo Baxay?

0

Xildhibaan Ilyaas Shiikh Axmed ayaa loo doortay kursiga tirsigiisu yahay HOP#147, kaddib doorasho ka dhacday maanta magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowladda Galmudug.

Kursigaan waxaa horay ugu fadhin jiray Taliyaha hay’adda NISA Mahad Salad, waxaana lagu mateli doonaa bulshada reer Guriceel.

Ilyaas ayaana Ka Mid ahaa Samafakayaasha Galmudug ee mudo ka Shaqaynaayay Hay’ada NRC ee Faraceeda Galmudug.

Ilyaas Sheikh Axmed Ibraahim ayaa ku soo baxay doorashada Kursiga #Hop147 ee deegaan Doorashadiisu tahay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug isagoo kaga Guuleystay Musharrax Aamino Tahliil Warsame oo la tartantay.

Guddiga KMG ah ee doorashooyinka kuraasta ka banaan Baarlamaanka 11aad ee JFS ayaa doorashada Kursigaan maanta ku qabtay Magaalada Dhuusamareeb iyadoo ay ka qeyb galeen Munaasabadda Masuuliyiin Heer Federaal iyo Heer dowlad goboleed ah.

Kursiga #Hop147 waxaa baneeyay Agaasimaha Hey’adda Nabad sugidda Qaranka Mahad Maxamed Salaad.

Ad
Previous articleXukuumada Soomaaliya oo diiday Ansixinta Heshiis ay Dhawaan kala Saxiixdeen Soomaaliya iyo Imaaradaka
Next articleNorway oo Xukun ku Riday Imaam Nuur Axmad oo ahaa Imaam Masjid

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here