Home Wararka Maanta Xubno ka tirsan Kooxda Shabaab oo isku soo dhiibay Dowlada Somaliya

Xubno ka tirsan Kooxda Shabaab oo isku soo dhiibay Dowlada Somaliya

0

Laba xubnood oo ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa isku dhiibay ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya oo ku sugan Magaalada Marka ee gobolka Shabeellada hoose.

Warbaahinta dowlada ayaa sheegtay in xubnaha isasa soo dhiibay ay lagu kala magacaabo Isaaq Cumar Ibraahim, iyo Qaasim Cabdulaahi Cali, sida laga soo xigtay saraakiisha ciidanka xoogga ee 14 October ee ku sugan magaalada Marka.

Taliyaha ururka 14-aad guutada 14-ka oktoobar  Gaashaanle Cabduqaadir Maxamed Munye ayaa sheegay in labada dagaalame ee ka tirsanaa Al-shabaab ay la soo xiriireen ciidanka, ayna uga hortageen degaanka Shalaanbood, halkaasna laga soo kaxeeyay.

Waxaa uu sheegay iney soo dhoweeyeen xubnahaas, una sameyn doonaan dhaqan celin, wuxuuna ugu baaqay dagaalyahanada kale ee Al-shabaab iney talaabadaasoo kale qaadaan.

Dagaalka Khartuum oo Xoogeestay iyo Ciidanka RSF oo la go’doomiyay

Ciidanka milatariga dalka Sudan , ayaa weerar culus oo u muuqda soo afjarid ku qaaday saacado kahor goobaha ay magaalada Khartuum kaga sugan yihiin ciidanka gurmadka deg degga ee RSF,

Xubno ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay Howlgalo ka dhacay gobolada Baay iyo Shabeellaha Dhexe

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 8-aad qeybta 60-aad ayaa howlgal qorsheysan oo lagu dilay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ka fuliyay deegaanka Deynuunaay ee gobolka Baay. Saraakiisha hoggaamineysay

Hay’adda NISA oo rag ka tirsan Al-shabaab kusoo qabtay Howlgallo ay ka sameeyeen Dayniile iyo Dharkeenlay

War kasoo baxay Hay'adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidanka Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, oo howlgal qorsheysan ka fuliyay duleedka degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir

Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada UAE oo soo gaaray Muqdisho

Wafdi sare oo ka socda dawladda Imaaraatka Carabta, uuna hogaaminayo Wasiiru dowlaha Arrimaha dibada ee Sheikh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, ayna ku jiraan saraakiil sarsare oo ciidan iyo diblumaasiyiin galabta

Mucaaradka Turkiga ahna Duqa Istanbul oo lagu xiray Dalkaasi

Ekrem Imamoglu, Duqa Istanbul ahna hoggaanka xisbiga mucaaradka, tartan xooganna kula jira Madaxweyne Erdogan, ayaa saaka xabsiga loo taxaabay asaga iyo 100 siyaasi oo kale oo mucaaradka ah. Imamoglu waa
Ad
Previous articleWefdi ka socda dowladda Soomaaliya ee ka qeyb galaya dhageysiga dacwada badda oo Muqdisho ka baxay maanta
Next articleDowlada Somaliya oo ku Celisay in ay diyaar u yihiin Wada-hadalka Mucaaradka