Ciidamada Amniga ee garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso ayaa gacanta ku dhigay labo qof, lagu tuhunsan yahay in ay xubno muhiim ah kayihiin Kooxda Argagixiso ee DAACISH, oo diyaarad kasoo raacay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.
Xubnahan ayaa shaki badan, ka taagan yahay sida ay kusoo dhaafeen garoonka Muqdisho oo ay gacanta ku hayso Hay’adda Nabadsugusa Soomaaliya ee NISA.
Sida ay ii xaqiijinayaan ilo wareedyo kale duwan, Puntland ayaa baaris ku haysay xubnaha la qabtay oo mid kamid ah yahay sarkaal sare oo qaabilsanaa qorida dadka kubiiraya ISIS, kaas oo laraadinayay qabashadiisa.
Ad