Home Wararka Maanta Ciidamada Itoobiya oo Dagaal Aargaasi ah ku Qaaday Alshabaab Dilayna Alshabaab Farabadan

Ciidamada Itoobiya oo Dagaal Aargaasi ah ku Qaaday Alshabaab Dilayna Alshabaab Farabadan

0

Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in mar kale ciidamada Itoobiya oo kaashanaya kuwa dowladda federaalka ay maanta qaadeen dagaal rogaal celis ah oo ay uga jawaabeen weerar ay shalay Al-Shabaab la beegsadeen ciidan Itoobiyaan oo ku sii jeeday degmada Waajid, kaas oo dhaliyay khasaare lixaad leh.

Dagaalka rogaal celiska oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in ciidamada isbhaysanaya ay ku qaadeen goobo ay ku sugnaayeen xubo ka tirsan Al-Shabaab, isla-markaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ka dhashay halkaasi.

Sarkaal ka tirsan milatariga Soomaaliya oo ku sugan degmada Xudur ayaa sheegay in howlgalaas oo jawaab ah lagu dilay ugu yaraan 55 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Weerarka lagu dilay xubnahaas ayaa yimid, kaddib markii ciidamada iskaashanaya ay weerar rogaal celis ah ku qaadeen kooxda Alshabaab, kuwaas oo Axadii shalay weeraray kolonyo ka tirsan ciidanka Itoobiya ee ku sugan gobolka Bakool ee Koonfur Galbeed.

Kooxda Al-Shabaab ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay dagaalkaas ku dishay illaa 167 askari oo Itoobiyaan ah, isla-markaana ay burburisay baabuur militari.

Hase yeeshee, safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Mukhtar Mohamed Ware ayaa VOA u sheegay inuu baraha bulshada ku arkay sheegashada Al-Shabaab, wuxuuna ku qeexay “dacaayad.”

“Waa ay isku dayi karaan [inay weeraraan ciidamada Itoobiya] balse xitaa 10 daqiiqo rasaas kuma ridi karaan ciidamada difaaca Itoobiya,” ayuu yiri.

“Ciidankani waa kuwo xirfad leh; waa mid aad u qalabaysan, aadna u abaabulan, mar walbana si adag ayay u garaacaan marka ay timaado Al-Shabaab, marka tani waa dacaayad kaliya; ma ahan wax ka badan dacaayad ka dhan ah Itoobiya iyo ciidamada difaaca Itoobiya.”

Itoobiya ayaa kumanaan askari usoo dirtay Soomaaliya kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka ATMIS, iyo ciidamo kale oo Soomaaliya ku jooga heshiisyo ay la gashay dowladda dhexe.
Ad
Previous articleXubno ka Tirsan Daacish oo Lagu Qabtay Garoonka Diyaarada Boosaaso
Next articleShariif Abshir (JiniJini) oo Dhawaan Xarardheere Saacid Cali ku Dilay oo Dil Toogasho ah lagu Fuliyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here