Home Wararka Maanta Xog: Taliya NISA oo Safar ka Dhan ah Axmed Madoobe uu aaday...

Xog: Taliya NISA oo Safar ka Dhan ah Axmed Madoobe uu aaday Kenya

0

Agaasimaha NISA Mahad Salaad ayaa usocdaalaya dalka Kenya, maalin markii ay labada Madaxweyne dalalku-gaareen heshiiska wadaagida Sirta & Xogaha, sida uu sheegay Hadal-hayeenka Madaxweynaha Soomaaliya.

Ilo wargal ah ayaa cadeynaya in dhigiisa Kenya ay ka wada hadli doonaan malafka kusaabsan Jubbaland iyo joogitaanka Axmed Madoobe, iyadoo ay Villa Somalia doonayso in ay wax ka bedesho, diiraddana la saarayo isbedel maamul oo labada dhinacba ay ku wada qanacsan yihiin, In gobalka GEDO la abuuro shabakad cusub oo Kenya iyo DF iska kaashadeen ayaa kamid ah wada xaajoodyadan.

Mahad Salaad ayaan horey uga mid aheyn wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh ee shalay kasoo laabtay dalka Kenya, sidaas oo kale abuurida fursado cusub oo ay dhinacyadu dhaqaale wadajir ah kaheli karaan ayaa kamid ah qorshaha safarkan.

Agaasimaha NISA ayaa horey uga mid ahaa siyaasiinta aadka uga soo horjeeday in xariirka labada dal ee Kenya & Soomaaliya la gooyo, isagoo horey ugu dhaliilay talaabadan dawladdii uu hogaaminayay Farmaajo.

Ad
Previous articleIctiraafka Somaliland: Sharci ay ku faraxday Somaliland ayayay meel mariyeen xildhibaannada Mareykanka.
Next articleMadaxii hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha ee dowladda federalka Soomaaliya u fadhiyay magaalada Gaalkacyo oo la Dilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here