Home Wararka Maanta Xisbullahi oo Dhulka soo Dhigtay Diyaarad Dagaal oo Israil Leedahay

Xisbullahi oo Dhulka soo Dhigtay Diyaarad Dagaal oo Israil Leedahay

0

Ururka Xisbullaahi ee saldhigooda yahay dalka Lubnaan, ayaa ku guuleestay in ay soo ridaan diyaarad nuuca aan duuliyaha laheyn oo lahaayeen milatariga Israel, diyaaradan ayaana soo gashay hawada Koonfurta Lubnaan.

Nidaamka difaaca hawada ay isticmaalaan kooxda Xisbullaah ayaa ku guuleestay in ay soo ridaan diyaarada milatariga Israel lahaayeen, waxa ayna diyaaradan ku howlaneed howlo sirdoon xilliga lasoo ridayay.

War kasoo baxay ururka Xisbullaah ayaa lagu sheegay in ay soo rideen diyaarad nooceedu yahay Hermes 900, oo ahayd sahanka militariga Israa’iil, waxa ayna sheegeen in diyaaradan si khalad ah kusoo gashay hawada dalkooda.

Diyaaradan ay soo rideen ururka Xisbullaah ayaa noqoneysa tii saddexaad ay soo ridaan , waxa ayna Xisbullaah dagaal adag kula jiraan ciidamada Israel ee ku sugan xadka dalka Lubnaan la wadaagto dhulka xoogga ku heestaan Israel.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo Dadkii Maantay Doonaayay inay Dadkooda Qaburaha Kala baxaan ku Xirtay Shuruud Dad Badan Ka naxeen
Next articleWar Deg Deg ah:Diyaaradda uu Madaxweyne ku xigeenka Malaawi saarnaa ee la la’aa oo aanay cidina ka badbaadin