Home Wararka Caalamka War Deg Deg ah:Diyaaradda uu Madaxweyne ku xigeenka Malaawi saarnaa ee la...

War Deg Deg ah:Diyaaradda uu Madaxweyne ku xigeenka Malaawi saarnaa ee la la’aa oo aanay cidina ka badbaadin

0

Madaxweyne ku xigeenka Malawi iyo dhammaan rakaabkii saarnaa diyaarad militari oo la waayay isniintii ayaa “ku dhintay shilkaasi diyaaradeed “,.

Madaxweynaha dalka Lazarus Chakwera ayaa sidaasi sheegay. Haraaga burburka diyaaradda ayaa laga helay meel u dhow buur “taas oo gebi ahaanba burburtay” iyadoo aanay jirin cid ka badbaaday, ayuu yiri.

Burburka diyaaradda uu la socday madaxweyne ku xigeenka Malawi cidina kam badbaadin, sida uu sheegay madaxweyne Lazarus Chakwera.

Saulos Chilima iyo sagaal qof oo kale ayaa ku duulayay gudaha dalka subaxnimadii Isniinta markii diyaaradooda laga waayay raadaarka garoonka.

Diyaaradan oo ahayd mid militari ayaa ku socotay jawiga oo xun.

Askartu waxay baarayeen kaynta Chikangawa iyagoo isku dayaya inay helaan diyaaradda.

Warbixin kooban oo uu siiyay maantay oo Talaado ah, ayuu madaxweyne Chakwera ku sheegay in taliyaha ciidamada difaaca Malawi uu ku wargeliyay in howlgalkii baadigoobka iyo samatabbixinta lasoo gabagabeeyay lana helay diyaaraddii.

Mr Chakwera waxa uu sheegay in uu aad uga xun yahay in uu Malawi u sheego masiibadaas foosha xun.

Ad
Previous articleXisbullahi oo Dhulka soo Dhigtay Diyaarad Dagaal oo Israil Leedahay
Next articleCiidamada Dowlada oo Gacanta Kusoo Dhigay Rag Ka Tirsanaa Alshabaab