Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo Dadkii Maantay Doonaayay inay Dadkooda Qaburaha Kala baxaan ku...

Dowlada Soomaaliya oo Dadkii Maantay Doonaayay inay Dadkooda Qaburaha Kala baxaan ku Xirtay Shuruud Dad Badan Ka naxeen

0

Waxaa saakay qabuuraha iskool Buluusiya ee magaalada Muqdisho ku kalahay qaar kamid ah ehelada dadkooda halkaasi ku aasnaayeen, kuwaa oo doonaya in meydadka la baxaan kuna aastaan goobo kale .

Dowladda Soomaaliya ayaana ku amartay dadka ehelkooda ku aasan yihiin qabuuraha iskuul Buluusiya in ay halkaasi kala baxaan muddo 10-cisho ku siman, si dhulkaasi dowladda ula wareegto loogana dhiso xero ciidan.

Ciidamada booliisla ayaa la sheegay in saakay dadka doonaya in meydadka ehelkooda la baxaan ku amrayay in marka hore tagaan xarunta maamulka gobolka Banaadir ayna halkaasi kasoo qaataan warqad meyd la bixid ah.

Sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa saakay warbaahinta u diiday in ay tagaan qabuuraha iskool Buluusiya, waxa ay sidoo kale ciidamada dadka ay u fasaxayeen qabuuraha ka reebayeen moobeelada gacanta, si aysan halkaasi muuqaallo uga duubin.

Ad
Previous articleDiyaar Garow Culus oo Kasocda Soodinta Galmudug iyo Hirshabeele iyo Sarakiil Maantay Gaaray(Sawiro)
Next articleXisbullahi oo Dhulka soo Dhigtay Diyaarad Dagaal oo Israil Leedahay