Home Wararka Maanta Xirsi Xaaji Xassan oo shaaciyay in uu ka badbaaday iskuday dil

Xirsi Xaaji Xassan oo shaaciyay in uu ka badbaaday iskuday dil

0

Magaalada Hargeysa waxaa ka taagan xaalad siyaasadeed oo kacsan oo u dhaxeeya xisbiyada mucaaradka iyo xisbiga talada haya ee Kulmiye, waxaana xiisada ka dhalatay khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada Madaxweynaha.

Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Xirsi Xaaji Xassan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in gurigiisa lagu soo weeraray gaari uu leeyahay wasiirka gaashaandhigga Somaliland Cabdi qani Maxamuud (Caateeye).

Waxa uu sheegay guddoomiyaha Xisbiga Waddani in uu ka badbaaday shirqool lasoo maleegay oo lagu doonayay in lagu dilo, waxa uuna xusay in uu ka maqnaa gurigiisa xilliga lagu soo weerarayay gaariga wasiirka gaashaandhigga.

Xirsi Xaaji Xassan ayaa sheegay weerarkan fashilmay in ay noqoneyso markii saddexaad oo uu fashilmo isku day lala damacsanaa in lagu khaarijiyo ama la cabsi galiyo hoggaanka xisbiga mucaaradka ee Waddani.

Dhinaca kale wasiirka gaashaandhigga Somaliland Cabdi Qani Caateeye ayaa dhankiisa sheegay in la buun buuniyay gaarigiisa ku dhacay guriga guddoomiyaha Xisbi, waxa uuna ku tilmaamay in arrintaasi ku dhacday qaddar alle balse aysan aheyn mid la qorsheeyay.

Ad
Previous articleLabada aqal ee Baarlamaanka dalka oo Maanta yeelanaya kulankii ugu horeeyay ee Wadajir ah
Next articleDhageyso Xildhibaan Qaali Cali Shire oo weerar ku qaaday Fahad yaasiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here