Home Wararka Somaliya Galmudug Xildhibaano Ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Oo Gaaray Degmada Baxda(Sawiro)

Xildhibaano Ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Oo Gaaray Degmada Baxda(Sawiro)

0

Wasiirka kuxigeen warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Soomaliya cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala’ Xildhimaab Cabdi Saabir nuur shuuriye ayaa’ gudoomiye kuxigenka amniga iyo siyaasada gobolka mudug cabdi xuseen iyo ciidamo katirsan dowlada federaalka iyo kuwa galmudug ayaa gaaraya Degmada baxdo ee gobolka galgaduud oo kamid ah magalooyinka ey ka socdaan kacdoonka looga soohorjeedo kooxda Alshabaab lana donayo in laga xoreeyo deeganada ey ka joogaan gobolka.

Wafdiga wasiirka iyo xildhibaanka ayaa degmada Baxdo kula kulmay Suldaanka ree Xaaji Saleeban’ saraakiisha heer federaal ee hogaamiyaana kacdoonka ladoonayo in lagu xoreeyo degaanada Galmudug ey ka jogaan argagixisada Alshabaab Taliska NISA qeybta Galmudug iyo maamulka degmada Baxdo.

Gaashaanle sare Warsame diirshe xusen ”warsame gaab” Oo gudoomiya howlgalka xoreynta degaanka galmudug ee kujira gacabta argagixisada Alshabaab iyo Gashaanle sare Xasan Jaamici ayaa uga warbixiyay wasiirka iyo xildhibaanka uga warbixiyay waxii uqabsoomay intii ey jogeen degaanada ey ku diraarsanyihiin ciidamada shacabka ah ee isku abaabulay iney iska dulqadaan kooxdan dhibka ku ah nolasha dadka muslimka.

Wasiir Alcadaala iyo Xildhibaan Cabdi saabir ayaa lagu wadaa iney tagaan dhamaan degaanada ey ku diyaarsanyihiin ciidamada shacabka ah iyo kuwa dowlada ee isku garabsanaya xoreynta deeganada iyo dadka ey dhibaatada kuhayaan Kooxda Alshabaab.

Kacdoon shacab ayaa kajira inta badan degaanada Galmudug kaas oo bilowday kadib markii ey kioxda Alshabaab bilaabeeb iney baabi’iyaan tiirarka nolasha asaasiga ah ee dadka reer miyiga ah sida ceelasha baraasha tuuoyinka iyo isgaarsiinta waxeyna shacabku markaan hubkooda uqateen iney iska difacaan degaanada ey ka heystaana ka xoreyaan.

Ad
Previous articleQoor Qoor oo Kasoo Muuqday Jiida Hore ee Dagaalka Asagoo Xiran Dharka Ciidanka(Sawiro)
Next articleCiidamo Hor leh oo kuwa Jahan Ceelbuur oo Soo Gaaray Dhuusamareeb(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here