Home Wararka Maanta Qoor Qoor oo Kasoo Muuqday Jiida Hore ee Dagaalka Asagoo Xiran Dharka...

Qoor Qoor oo Kasoo Muuqday Jiida Hore ee Dagaalka Asagoo Xiran Dharka Ciidanka(Sawiro)

0

Deegaanada maamulka Galmudug gaar ahaan gobolka Galgaduud qeybo katirsan, ayaa waxaa ka socda abaabul dagaal oo ay wadaan ciidanka dowladda federaalka oo kaashanaya ciidamada Galmudug iyo kuwa dadka deegaanka.

Ciidamadan ayaa doonaya in ay bilaabaan howlgalo ka dhan ah kooxda Al Shabaab , waxaana socda abaabul dagaal oo si weyn looga dareemayo deegaanada qaar oo ku wajahan goobaha ay Al Shabaab heestaan.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa maanta xirtay dareeska ciidanka milatariga, waxa uuna madaxweynaha bilaabay abaabulka dagaal ka dhan ah kooxda Al Shabaab.

Qoor Qoor oo la kulmay saraakiil katirsan ciidamada milatariga Soomaaliya iyo kuwa Galmudug ayaa kala hadlay sidii loo bilaabi lahaa howlgalo ka dhan ah kooxda Al Shabaab ,loona qaban lahaa deegaanada Galmudug gacantooda ka baxsan.

Madaxweynaha Galmudug ayaana tagay fariisimaha jiidaha hore ay joogaan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Galmudug, waxa uuna saraakiisha ku amray in ay u diyaar garoobaan duullaan ka dhan ah Al Shabaab.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleDEG DEG Alshabaab oo amray in la xiro gooba ganacsi oo ku yaala Muqdisho
Next articleXildhibaano Ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Oo Gaaray Degmada Baxda(Sawiro)