Home Wararka Maanta Xildhibaano Badan oo Soomaali ah oo lagu Doortay Wadanka UK

Xildhibaano Badan oo Soomaali ah oo lagu Doortay Wadanka UK

0

Muwaadiin asalkoodu Soomaali yahay balse heesta dhalashada dalka Britain ayaa guulo waa weyn ka gaaray doorashooyinka dowladda hoose ee ka qabsoontay  magaalada London ee caasimadda dalka Britain.

Doorashadan ka qabsoonray degmooyin ka tirsan magaalada London waxaa kusoo baxay tiradii ugu badneyd ee Soomaali ah oo loo doortay in ay noqdaan xildhibaano katirsan golayaasha deegaanka .

Soomaalida xildhibaanada ka noqday degmooyin katirsan magaalada London ayaa gaaraya ilaa 10-xildhibaan, waxaana dhammaan la sheegay Soomaalida in uu  sharxay ayna matalayeen xisbiga mucaaradka ee Labour Party.

Degmooyinka muhiimka ee looga guuleystay xisbiga talada dalka Britian haya ee  Conservative-ka ayaa waxaa ka mid ah degmada Westminster oo ah halka ay degan yihiin hay’addaha dowladda.

Xisbiga Conservative-ka uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa sannadkan lumiyay kuraas badan ay horey u heesteen iyo degmooyin aan waligood looga guuleesan, waxaana doorashada guulo ka gaaray xisbiga mucaaradka Labour Party.

Ad
Previous articleMadaxweynaha Ukrain Zelensky oo shardi adag ku xiray wadahadal dhexmara Ruushka
Next articleUgu yaraan 22 qof oo ku dhimatay qarax weyn oo ka dhacay magaalada Havana

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here