Home Wararka Somaliya Galmudug Xildhibaan Yaasiin Cabdulaahi fareey oo Siyaasadda qormo ka qoray

Xildhibaan Yaasiin Cabdulaahi fareey oo Siyaasadda qormo ka qoray

0

Shalay, Maanta iyo Berriba xasuus iyo xisaabi ha jirto.

Dowladnimada Soomaaliya marnaba ma dhicin in lagu mucaarado qaab qabiileysan/Qowmiyadeysan oo jufeysan. Waxaase dhici jirtay in shakhsiyaad dano siyaasadeed leh kasoo horjeestaan iyadoo aysan jirin qowmiyad iyo jufo ku raacsan oo ay wakiil uga yihiin mucaaradada dowladda. (Shalay ma dhicin beel mutaxan).

Waxaa taariikh cusub ah in Dowladnimada looga soo horjeesto qaab Qabiileysan iyadoo Xildhibaano labada gole oo isku jufo ah iyo Siyaasiyiintii ay si aan gambasho laheyn u soo saarayaan bayaano Diidmo Dowladnimada curdunka ah ee Soomaaliyeed. Sidoo kale waxaa mudan in aad looga Fikiro shirarka ay ku baaqayaan siyaasiyiinta is ku Beesha ah. Waxa la ifinayo Waa Toosh shalay Densanaa.
(Maanta Ayaan aragnaa).

Mustaqbalka waxa ay ku tahay Walaalaha howshaa ku howlan bartilmaameed hadaf la’aan ah soona afjaraya hamigooda siyaasadeed ee xulufeysiga, hankooda wadaninimo iyo is aaminaada bulsho ee kala dhexeysa beelaha iyo qowmiyadaha Soomaaliyeed. Waxa ay la mid yihiin siyaasiyiintii Soomaaliyeed ee 2017kii lasoo shir-tegay “No More” Xagee ku dambeeyeen? Maxay ka dhaxleen?
“War hooy dunida yaan lagu kibrine’ nabad haloo daayo”.

Ad
Previous articleXasaasi:Itoobiya Oo Diyaarad Milatari Usoo Dirtay Laftagareen Xili Roboow Wasiir Laga Dhigay
Next articleWAR DEG DEG: Qarax ismiidaamin ah oo lagu weeraray xero ay leeyihiin Ciidanka Xoogga dalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here