WAR DEG DEG: Qarax ismiidaamin ah oo lagu weeraray xero ay leeyihiin Ciidanka Xoogga dalka

Qarax ismiidaamin ah ayaa la soo sheegayaa in goor dhow lala beegsaday xero ay degan yihiin ciidanka xoogga dalka oo ku taalla duleedka magaalada Baydhabo

Warbaahinta DF aya sheegtay in Ciidanka Xoogga dalka ay fashiliyeen gaari nooca xamuulka ah oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa kaasoo lala dooneyey in gudaha loo geliyo xerada ciidanka xoogga  ku leeyihiin degaanka Kala-beyr ee gobolka Hiiraan.

Labo askari ayaa ku dhintay qaraxaas, sidoo kalena waxaa ku dhaawacmay saddex kale sida ay sheegtay warbaahinta dowlada.

Sidoo kale ciidamada dowlada ayaa la sheegay iney ku raad joogaan labo nin oo la sheegay in gudaha magaalada kaga degeen gaariga qaraxa ismiidaaminta ah lagu fuliyey.