Home Wararka Somaliya Xildhibaan Mahad salaad iyo Xildhibaano kale oo Maanta Laga galiyay Isgooska Dabka

Xildhibaan Mahad salaad iyo Xildhibaano kale oo Maanta Laga galiyay Isgooska Dabka

0

Ciidanka Booliska dowladda Federaalka ee ku sugan Isgoyska Dabka ayaa Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka haatan u diiday inay ka gudban Koontaroolka laga ilaaliyo Madaxtooyada ee ku yaalla Isgoyskaas.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo Qoraal soo saaray ayaa sheegay in isaga iyo Xildhibaano kale oo la socda ay Ciidanka Booliska dowladda u diideen inay u gudbaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka oo kamid ah 15 Xildhibaan oo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ka joojiyay kulamada Baarlamaanka ayaa waxaa uu sheegay in wixii Mas’uuliyad darro ah ee ka dhashay goobta uu qaadayo Maxamed Mursal.

Dhamaan Baraha Laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan ciidamo Gaar ah oo Maanta La soo dhoobay, waxaana Xildhibaan Majad Salaad uu sheegay in Ciidamo ka amar qaata Mursal iyo Farmaajo ay  udiideen inuu Gudaha Baarlamaanka Galo

Ad
Previous articleCiidamo Cusub oo La wareegay Amniga Madaxtooyada
Next articleCiidamada Amniga Galmudug oo Gacanta ku dhigay shaqsi dil ka gaystay Caabudwaaq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here