Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil qorsheysan oo xalay xildhibaan reer Koonfur Galbeed ahaa loogu gaystay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay kaas oo ay ka dambeeyeen rag hubeysan oo baxsaday.
Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo gaystay Xildhibaan Cabdiwahaab Daqare oo ka tirsanaa golaha deegaanka degmada Bardaale ee gobolka Baay, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.
Xildhibaanka ayaa xilliga la tooganayay ku sugnaa goob aan ka fogeyn guri uu ka dagan yahay magaalada Baydhaba, waxaana u yimid rag hubeysan oo dilay, kadibna cararay.
Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sidoo kale goobta gaaray, kuwaas oo sameeyay baaritaano kooban, balse ma jirto natiijo ay gaareen.
Dhinaca kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay dilka xildhibaanka, wuxuuna tacsi u diray ehelladiisa, isaga oo marxuumka eebbe uga baryay inuu ka waraabiyo Jannadii Firdowso.
“Innaa li laahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun, waxaan ugu tacsiyaynayaa Ehelka, Qaraabadda iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha-u-naxaristee Abduhaab Mohamed Daqare oo Caawa Baydhabo gacan ka xaq daran ay ku dishay. Waxaan Alle uweydiinayaa in hoygiisa uu ka yeelo Janatul Firdowsa ehelka iyo Qaraabadana Samir iyo Alle haidinka siiyo.” ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen.
Baydhabo ayaa waxaa dilal qorsheysan alaaba ka fuliya maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab, waxayna horay magaaladaasi ugu dileen saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsanaa maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Si kastaba, Baydhaba ayaa kamid ah magaalooyinka ay sidoo kale go’doomiyeen xubnaha maleeshiyaadka Al-Shabaab oo weli ku sugan deegaanada u dhow magaaladaasi.