Wasiirka Socdaalka ee xukuumadda xilka sii haysa, Johan Forssell, ayaa qoraal uu ku daabacay X ku sheegay in isbeddelka la xiriira dhalinyarada la masaafurinayo uu yahay in da’da 18 jir laga dhigo 21 jir marka la go’aaminayo in qofka loo tixgeliyo qof weyn marka kiiskiisa socdaalka la qiimeynayo.
Marka qofku gaaro da’da 21 jir, dadka ay khusayso waxay gudaha Iswiidhan uga dalban karaan ogolaansho degenaansho oo madax-bannaan, tusaale ahaan iyagoo ku salaynaya shaqo ama waxbarasho.
Xalka arrintan ayaa waxaa hore ugu heshiiyay xisbiyada Heshiiska Tidö, kaddib markii kiisaska dhalinyarada la masaafurinayo ay dood weyn ka abuureen Iswiidhan bilihii la soo dhaafay. Xisbiyadii mucaaradka ahaa ayaa horay u diiday soo jeedintan.
Dhanka kale, Xisbiga Bidixda (Vänsterpartiet) iyo Xisbiga Deegaanka (Miljöpartiet) ayaa ku dhawaaqay inay baarlamaanka u gudbinayaan soo jeedinno cusub oo lagu doonayo in lagu joojiyo masaafurinta dhalinyarada, isla markaana fursad loogu siiyo dadka hore loo masaafuriyay inay dib ugu soo laabtaan Iswiidhan.
Isla waqtigaas, Forssell wuxuu sheegay in xeerarka la xiriira isu keenista xubnaha qoyska ay noqdeen kuwo adag. Isbeddellada waxaa ka mid ah in la kordhiyay shuruudaha qofka looga baahan yahay inuu si dhaqaale ahaan iskiis isu maareeyo, iyo in la sameeyay muddo sugitaan ah oo laba sano ah ka hor inta aan qofku uusan awoodin inuu xubnaha qoyskiisa keeno Iswiidhan.
Forssell ayaa sheegay in carruurta yimaada Iswiidhan ay tahay inay helaan xaalado wanaagsan oo u oggolaanaya inay mustaqbalkooda dhistaan, ayna muhiim tahay inaysan ku korin guryo ciriiri ah ama go’doon bulsho.
Sidoo kale, xeer cusub oo ku saabsan qaabilaadda dadka magangelyo-doonka ah ayaa dhaqan galay. Xeerkan wuxuu dadka magangelyo-doonka ah ku waajibinayaa inay inta lagu guda jiro baaritaanka codsigooda ku noolaadaan xarumaha ay go’aamiso Hay’adda Socdaalka Iswiidhan (Migrationsverket).
Waxaa sidoo kale la soo rogay xaddidaad ku saabsan dhaqdhaqaaqooda, waxaana qofka laga joojin karaa ama laga dhimi karaa gargaarka dhaqaale haddii uu jebiyo xeerarka.
Nidaamkan cusub wuxuu sidoo kale khuseeyaa dadka codsigooda magangelyo la diiday. Dadkaas waxaa loo wareejin karaa xarumaha dib-u-laabashada (return centres), halkaas oo loogu diyaarinayo inay si iskood ah uga baxaan Iswiidhan.
Forssell ayaa sheegay in isbeddelladani ay qofka hela go’aan oggolaansho ah u oggolaanayaan inuu si buuxda diiradda u saaro isdhexgalka bulshada iyo nolosha Iswiidhan. Halka qofka hela go’aan diidmo ah loo wareejin doono xarun dib-u-laabasho, iyadoo ujeeddadu tahay inuu si ikhtiyaari ah uga baxo Iswiidhan.



