Home Wararka Somaliya Xildhibaan ka Tirsan Golaha Shacabka soomaaliya oo geeriyooday

Xildhibaan ka Tirsan Golaha Shacabka soomaaliya oo geeriyooday

0

Allaha u naxariistee waxaa saakay magaalada Baydhaba ee gobolka Bay ku geeriyooday Xildhibaan Maxamed Maxamuud Boonow oo ka tirsanaa golaha Shacabka, sida ay KNN u xaqiijiyeen ehellada marxuumka.

Xildhibaanka Maxamed ayaa sidoo kale soo noqday wasiiru dowlaha wasaaradda amniga gudaha, xilligii uu Ra’iisul wasaaraha ahaa Xasan Cali Khayre.

Waxaa uu golaha shacabka ka tirsanaa tan iyo sanafkii 2012-kii waxaa uu wasiir ka soo noqday dowladdii uu hoggaaminayey madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Sidoo kale Marxuum Maxamed Boonow ka sokow inuu ahaa masuul mudo dheer ku soo jiray siyaasadda Soomaaliya, waxaa uu ahaa ganacsade caan ka ahaa degaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Ad
Previous articleDowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay Weerarkii Xalane
Next articleMaxkamada Ciidamada Qalabka sida oo Xafiis ka furtay Degmada Caabudwaaq (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here