Home Wararka Somaliya Galmudug Xildhibaan Dhabancad oo Jawaab kulul Siiyay Xildhibaan jeego

Xildhibaan Dhabancad oo Jawaab kulul Siiyay Xildhibaan jeego

0

Xildhibaan Cabdisalaan Xaaji Dhabancad oo laga soo doorto Galmudug gaar ahaan Koonfurta Gaalkacyo ayaa maanta ka carooday in Gobalka Banaadir beel gaar “Mudullood” madax ka noqoto markii loo sameynayo Gole degaan ama maamul gaar ah.

Xildhibaan Dhabancad oo u jawaabayay Xildhibaan Jeego ayaa sheegay in Muqdisho ay tahay Caasimadda Soomaaliya dad gaar ahna aysan laheyn qof kastana ay madax ka noqon karto, waxa uuna hadalkiisa kusoo aaday iyadoo Wasiir Fiqi oo ay qaraabo yihiin ku howlan yahay qabashada doorashada maamulka Gobalka Banaadir waxaana lagu eedeynayaa in Wasaaradda arrimaha gudaha ku dadaaleyso in qof reer Galmudug ah madax ka noqoto Muqdisho.

Todobaad ka hor, waxaa sheegay in Muqdisho ku badan yihiin reer Galmudug Wasiir katirsan Galmudug isagoo dalbaday in ay Muqdisho madax ka noqon doonaan haddii doorasho la qabto.

Madaxda Galmudug ee ku jira dowladda ayaa dadaal badan ku bixinaya sidii ay G/ Banaadir madax uga noqon lahaayeen waxa uuna dadaalkooda isugu jiraa mid toos ah oo warbaahinta la marsiinayo iyo mid si hoose ku socdo. Muqdisho oo ah Caasimadda dalka ayaa raadineysa xuquuq maamul oo ka maqan waxaana bilaaban doono doodaha arrintaas ku saabsan.

Ad
Previous articleDagaal culus oo ka dhacay guriga Xildhibaan Xaadoole
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Dooddii xasaasiga aheyd ee BF oo soo Dhamaatay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here