Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Dooddii xasaasiga aheyd ee BF oo soo Dhamaatay

Wararkii Ugu Danbeeyey Dooddii xasaasiga aheyd ee BF oo soo Dhamaatay

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Adan Madobe ayaa shir-guddoomiyay Kalfadhiga 4-aad kulankiisa 16-aad oo ajandihiisu ahaa dhameystirka ka-doodista arrimaha siyaasadda iyo go’aamada masiiriga ah ee dalka.

Kulanka waxaa goob joog ah ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Marwo Sacdiyo Yaasiin iyo Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar.

Xildhibaannada Golaha Shacabka BJFS oo maanta ka dooday arrimaha masiiriga ah ee dalka, oo ay ugu horreeyaan arrimaha dib eegista Dastuurka KMG oo habraaciisa la ansixiyay.

Waxay xildhibaannadu fallanqeeyeen isla xisaabtanka hay’adaha dowladda iyo in la ilaaliyo matalaada shacabka, iyagoona si wadajir ah u tilmaamay in la xoojiyo arrimaha dib u heshiisiinta si loo ilaaliyo midnimada iyo wadajirka shacabka iyo dhulka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha oo gunnaanadka kulanka soo xiray ayaa xildhibaannada uga mahad-celiyay doodooda arrimaha siyaasadda iyo go’aamada masiiriga ah ee dalka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in la soo magacaabi doono guddi soo kooba, kana soo shaqeeya nuxurka doodii socotay labadii kulan ee ugu dambeysay.

Arrintaan ayaa imaneysa xilli uu muran xooggan ka taagan yahay arrimaha wax ka beddelka dastuurka, islamarkaan ay diidan yihiin inta badan xubnaha mucaaradka oo ay ku jiraan madaxdii hore ee dalka.

Si kastaba, bishii May ee sanadkii hore ayay aheyd markii Golaha Wadatashiga Qaranka ku heshiiyeen in laga guuro nidaamka hadda jira, ayada oo meesha laga saarayo xilka ra’iisul wasaaraha, si ay Soomaaliya markii ugu horreysay u yeelato madaxweyne iyo ku-xigeen.
Ad
Previous articleXildhibaan Dhabancad oo Jawaab kulul Siiyay Xildhibaan jeego
Next articleMaxaa Kasoo Kordhay Qaraxyadii Shakay Gilgilay Suuqa Bakaaraha?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here