Home Wararka Maanta Dagaal culus oo ka dhacay guriga Xildhibaan Xaadoole

Dagaal culus oo ka dhacay guriga Xildhibaan Xaadoole

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal goordhow ka qarxay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Dagaalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu u dhexeeyo ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka iyo kuwa kale oo taabacsan Xildhibaan Cismaan Xaadoole oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka xoogiisa uu ka dhacay agagaarka Masaajidka Irshaad oo uu ku yaallo guriga xildhibaanka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online dagaalka ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen ciidamada ammaanka oo waday howlgal ka dhan ah maandooriyaha iyo kuwa kale ee ku sugna guriga xildhibaanka.

Xaaladda ayaa weli kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo dhinaca xildhibaanka.

Sidoo kale ma cadda khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca ah ee ka dhashay iska hor imaadka dhex maray labada dhinac.

Horay waxaa sidaan oo kale Muqdisho ugu dagaalamay ciidamada dowladda iyo kuwa Jeneraal Sheegow, kadib dhac ay ka gaysteen degmada Dharkenley, waxaana kadib lasoo xiray Jeneraalka iyo askartiisa oo la xukumay.

Ad
Previous articleSababtii uu Sayid Cali Ugubay Xaaskisii Luul Cabdicasiis oo ka ogaaday
Next articleXildhibaan Dhabancad oo Jawaab kulul Siiyay Xildhibaan jeego

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here