Home Wararka Somaliya Jubbaland Xildhibaan C/llaahi Carab oo si kulul uga hadlay xiisadda GEDO

Xildhibaan C/llaahi Carab oo si kulul uga hadlay xiisadda GEDO

0

Xildhibaan Cabdullaahi Carab oo kamid ah Golaha Shacabka, laguna soo doortay Ceelwaaq ayaa si kulul uga hadlay xiisadda gobolka Gedo.

Carab oo maanta warbaahinta kula hadlay bannaanka hore ee xarunta Golaha Shacabka ayaa sheegay in reer Gedo ay weli wajahayaan dhibaato ku bilaabatay dowladdii hore.

“Gobolka Gedo, horta dhibka waxa uu ku billowday dowladdii hore aniga hadda xildhibaan ayaan ahay saddex mar ayaan tegay oo ah 2017, 2018 iyo 2019 deegaanka ayaana soo booqday wixii ka dambeeyay waad ogtihiin wixii ka dhacay waa nalool diiday annagoo meeshaas nagala soo doortay inaan tegno” ayuu yiri xildhibaan Cabdullaahi Carab.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday isbeddalka haatan ka dhacay gobolka Gedo, wuxuuna tilmaamay inuu taageerayo maamulka cusub ee uu Axmed Madoobe u magacaabay Gedo.

Xildhibaanka ayaa guddoomiyaha cusub ee gobolka, Cabdullaahi Shimbir ugu baaqay inuu marka hore sameeyo dib u heshiisiin, isla-markaana uu isku keeno dhammaan reer Gedo.

“Hadda isbeddal fiican ayaa socda waxaan rajeyneynaa guddoomiyaha uu madaxweynaha Jubbaland soo magacaabay inuu dadka deegaanka gogol u fidiyo dib u heshiisin ka shaqeeyo oo howshii ay hagaagsanaato” ayuu mar kale hadalkiisa sii raaciyay.

Waxaa kale oo ku ku daray “Dadweynaha gobolka Gedo waxaan leenanay maamulkaa taageera, isagana waxaan ku boorineynaa inuu dadka isugu yeero,”.

Ugu dambeyn waxaa wax laga weydiiyay doorashadii isaga iyo xildhibaanadii kale ee lagu soo doortay agagaarka degmada Ceelwaaq, taas oo xiisad kale ka dhalisay gobolka Gedo.

“Aniga Ceel Qaalow la’iguma soo dooranee Ceelwaaq ayaa la’iga soo doortay, inaan tagana waa la’ii diiday” ayuu markale yiri Cabdullaahi Carab oo ah wasiirkii hore ee waxbarashada.

Ad
Previous articleMaxay ka wad-hadleen Xamza iyo ra’iisul wasaarayaashii hore?
Next articleIlhaan Cumar oo diidday inay hor fariisato madaxweynaha Israil Isaac Herzog kana hadashay Sababta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here